Xasan Sheekh oo sheegay in Hooygiisa soo weerareen Ciidamada Dowladda

Madaxweynihii hore ee dalka Hassan Sheikh Mohamud ayaa si kulul uga hadlay weerar galabta ay hoygiisa kusoo qaadeen ciidamo ka amar qaata Farmaajo.

Madaxweyne Hassan Sheikh ayaa nasiib darro weyn ku tilmaamay wixii dhowr jeer horey looga digay in uu weli Farmaajo ku dhiiran yahay, isagoo mar kale ka digay khatarta ay leedahay siyaasadeynta ammaanka.

“Waxa nasiib darro weyn ah in ciidan ka amar qaata madaxweynihii hore ay weerar ku soo qaadaan hoygeyga, waxaan horay ugu digay kuna celinayaa khattarta ay leedahay siyaasadeynta ammaanka, mas’uuliyadda dhibaatada ka dhalata arrinkan waxaa qaadaya Farmaajo” ayuu yiri madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud.