Ciidamada Mucaaradka oo Xaafado horleh la difaacyo ka sameystay

Ciidamada mucaaradka oo goobo horleh isku sii ballaarinayo, iyo Ciidamada dowladda oo baneeyay goobihii shalay ay ku sugnaayeen.

Jidka Cabdiqaasim iyo qeybo badan oo ka tirsan degmada Hodan waxaa ku sugan Ciidamo Milatari ah oo ka soo horjeeda dowladda.

Difaacyo waaweyn iyo aagag cusub ayey wadada iyo jidcadayaasha ka sameysteen.

Dhinaca kale aagga Hotel Weheliye illaa Wadada Sayidka waxaa ku sugan ciidamo Milatari ah oo dowladda ka soo horjeeda, iyada luuqyada waadada laamiga soo gasha lagu arkayo ciidamo hubeysan oo dhufeysyo ku jira.

Waqooyiga Kaaraan ayaa la soo sheegaya in ciidamadii shalay dowladda kula dagaalamay ay dhufeyso ka sameysteen.