Guddoomiyaha Aqalka Sare oo baaq kasoo saaray rabshadaha Muqdisho

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa waxaa uu  ku baaqay in la wada ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida Dalka, lana joojiyo dagaallada iyo wax walba oo keeni kara gacan ka hadal, isla markaasna loo turo dadka Soomaaliyeed, khilaaf walbana lagu xalliyo wada hadal iyo tanaasul.

Guddoomiyuhu waxaa kale oo uu boorriyay ilaalinta midnimada guud ee Dalka iyo ku dhaqanka Dastuurka iyo shuruucda kale ee Dalka u yaal.

Hadalka Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli xalay dagaal culus xaafado ka tirsan Muqdisho uu ku dhexmaray Ciidamada dowladda iyo Ciidamo Millateri ah oo kasoo horjeeda muddo kordhinta.