Barakac ka bilaawday Xaafado kamid ah Magaalada Muqdisho

Qaar kamid ah dadka ku nool Xaafado ka tirsan degmooyinka Hodan iyo howl-wadaag ayaa waxaa ay bilaabeen xalay Saqdii dhexe inay barakacaan, iyaga oo ka cabsi qaba in dushooda ay ku dagaalamaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Millateriga ee sheegay inay kasoo horjeedaan muddo kororsiga.

Xaafadaha ay dadka sida aadka ah uga barakaceen ayaa waxaa kamid ah Xaafada Siigaale ee degmada Hodan, Xaafada Shanta Geed ee degmada Howl-wadaag iyo xaafado kale, halkaas oo saacadihii la soo dhaafay ay fariisimo Cusub ka sameysteen Ciidamada Mucaaradka.

Wararka qaar ee la helayo ayaa sheegaya in Xaafada Siigaale ay fariisin Cusub ka sameysteen Ciidamo ka amar qaata Yuusuf Indhacadde, ayna dadka Xaafadaas ugu baaqeen inay ka guuraan si aysan waxyeelo u soo gaarin hadii uu dhaco dagaal u dhaxeeya Ciidamada dowladda iyo kuwa kasoo horjeeda muddo kordhintii ay sameeyeen Golaha Shacabka.

Xaalada degmooyinka Hodan, Howlwadaag iyo degmoouinka Waqooyi ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagandareemayaa saan saan Colaadeed, iyada oo ilaa iyo hadda aysan jirin cid isku howshay inay dhex dhexaadiso dowladda iyo mucaaradka.