Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa uu ahaa Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, isla markaana lagu dhuftay darbi kamid ah Xerada Asluubta, iyada oo qaraxa kadib Qiic iyo Uuro ay cirka isku shareertay.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen Dad Shacab ah oo mararay halka uu qaraxa ka dhacay, iyada oo dadkii ku dhaawacmay loo soo qaaday Isbitaallada Magaalada Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan kuwa Asluubta Soomaaliyeed ayaa xiray oo siweyn u adkeeyay Amniga halka qaraxa uu ka dhacay, waxaana socda dadaalo dadka ku waxyeeloobay loogu gurmanayo.