Rooble oo Guddoomiyey Shir deg degbah, xilli xaalada Muqdisho…..

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir guddoomiyay kulan ku saabsan amniga dalka gaar ahaan caasimadda.

Kulanka oo ay ka qeyb galeen Wasiirka Amniga, Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo taliyeyaasha ciidamada, ayaa ku boorriyay in la xoojiyo amniga Caasimadda.

Kulanka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xili weli aysan sal fadhin xaalada Amni ee Magaalada Muqdisho, isla markaana la isku horfadhiyo Magaalada Muqdisho.