Fanaankii Caanka ahaa ee Cabdi Qaboojiye oo geeriyooday

Waxaa ku geeriyooday Magaalada Oslo Ee Caasimada Dalka Norwey ku geeriyooday Fanaanka Cabdi Jaamac Qaboojiye oo muddo Afartan Cisho ah xanuun sariirta la saarnaa.

Ehelada Marxuumka ayaa xaqiijiyey Geerida Cabdi Qaboojiye.

Wuxuu ku dhashay Magaalada Burco Ee Caasimada Gobolka Togdheer,isagoo dugsiga dhexe iyo Kan sare kusoo kala qaatay Magaalada Burco iyo Muqdisho sida uu hore ugu sheegay Wareysi laga qaaday.

Maalmo ka hor Muuqaal uu iska soo duubay Qaboojiye ayuu Soomaalida kaga dalbanayey inay usoo duceeyaan Xanuunka hayey Awgeedna laga dareemayey.

Cabdi Qaboojiye ayaa ka mid ahaa Fanaaniinta Suugaantooda aad looga jeclaa Deegaanada Soomaalida.