Midowga Musharixiinta oo sheegay in howlaha doorashada kula xisaab tamayaan Rooble

Golaha Midowga Musharraxiinta war kasoo baxay ayaa  lagu sheegay in lagu soo dhaweynayo  in Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu si buuxda ula wareegay maamulka doorashooyinka qaranka iyo amniga dalka.

Sida oo kale Goloha ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in si buuxda ugala shaqeeyaan RW Rooble qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah, kuna dhacda waqtiga ugu dhow, wuxuuna Goluhu hoosta ka xarriiqay in wixii ka danbeeya 1-05-2021 mas’uuliyadda doorashooyinka iyo Amniga ee dalka lagula xisaabtamayo Ra’iisul Wasaare Rooble iyo xukuumaddiisa.