Guddiga Madaxa Bannaan ee la Dagaallanka Musuqmaasuqa oo guddoomiye doortay

Guddiga Madaxa Bannaan ee la Dagaallanka Musuqmaasuqa oo dhawaan uu dhaariyay Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta dhaxdooda iska doortay Guddoomiye.

Jagada 1aad ee guddoomiyaha oo ay u tartamayeen ilaa saddax Mudane ayaa waxaa codadkii loo qaaday ku guuleystay Abuukaate Maxamed Xuseen Xaamud oo helay shan cod.

Jagada Guddoomiye ku xigeenka Guddiga ayaa waxaa u tartamay saddax xubnood waxaana ku guuleystay Dr.Xasan Khaliif oo helay lix cod.