Sheekh Shariif & Cumar Filish oo kulan xasaasi ah yeeshay

Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Guddoomiye Cumar Filish oo kulmayMadaxweyne hore, Anna Guddoomiyaha Midowga Murashixiinta, Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa Hoygiisa ku soo booqday Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Cumar Filish

Labada Mas’uul waxay ka wada hadleen xaallada Siyaasadda, Ammaanka iyo Hawlaha xalka loogu raadinayo Qalalaasaha taagan.

Kulankaas ayaa ku soo beegmay, xilli ay socdaan dadaalo lagu taageerayo in RW Rooble hayinka u qabtay Hawlaha Doorashooyinka iyo Ammaanka.