Laftagareen oo Guddi u saaray dilkii Magalada Baydhabo loogu geystay Carruurta Walaalaha…

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa magacaabay Guddiga baaris kumeel gaar ah oo natiijo dhab ah ka keena kiiska Carruurtii Walaalaha ahaa ee lagu dilay Magaaladda Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu yiri” Markuu texgaliyey: Muhiimadda ay leedahay in xal kama dambees ah laga gaaro dilka

labada caruur uu Magacaabay  Guddi baaris kumeel-gaar ah, kuwaas oo kala ah.

1 Wasiir Maxamed Xuseen Xasan Gudoomiye

2 Wasiir Salax Shariif sayid Cali

Xubin

  1. Aadan Cabdulaahi Macalin (Haji Eney)

Xubin

4 Malaq Cali Malaq Xasan Cali Qataar

Xubin

5 Maxamed Sheikh Adan (Bilow)

Xubin

  1. Prof Abdisalam Ahmed Malla

Xubin

  1. G/Dhexe Maxamed Xuseen Axmed

Xubin

  1. Gashanle Ibraahim Cabdulle C/ raxaman

Xubin

  1. Gashanle Muse Maxamed Xasan

Xubin

7-dii Bishii Apriil ayaa meydka labada Carruurta ah oo uu dhalay Xildhibaan hore Macalin Aweys Cabdullaahi oo ka tirsanaa baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana Maamulka Koonfur Galbeed uu u qabtay falkaas lix ruux oo dhawaan Maxkamad lahor keeni doono.