Tagsiile Soomaali ah oo lagu dilay Minnesota

Nin hubeysan ayaa Magaalada Moorhead ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka waxaa uu ku diley muwaadin Soomaaliyeed oo la sheegay in uu ahaa Tagsiile ka Shaqeysta Magaalada, iyada oo Ninkii ka dambeeyay dilka gacanta lagu dhigay.

Muwaadinka Soomaaliyeed ee la dilay oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Maxamed Cabdullaahi ayaa ahaa 24 jir Dhalinyaro ah, waxaana la sheegay in Ninka dilka u geystay uu doonayay in  uu dhac u geysto, hayeeshee muran xoogan uu soo kala dhex-galay.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidanka Booliiska magaaladda Moorhead, iyaga oo  ku gudo jira baaritaanka dilka loo geystay Marxuum Cabdullahi ay gacanta ku  dhigeen Ninka dilka u geystay muwaadinka Soomaaliyeed.

Magaalooyinka ka tirsan gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa todobaadyadii la soo dhaafray waxaa kusoo batay dilalka loo geysanayo Soomaalida, waxana ay aheyd 28-ki Bishii Apriil markii Magalada  Minneapolis lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo ka Shaqeyn jiray Xarunta Xawaalada Taaj, kaas oo lagu Magacaabi jiray Liibaan Cismaan Baqare.