Taliyaha Booliska oo raaligelin ugu tegay Sheekh Shariif

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Hoyga uu ka degan yahay Muqdisho waxaa uu ku qaabilay Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliueed Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Kulan ay yeesheen ayaa waxaa ay uga wada hadleen labada mas’uul arrimaha Amniga doorashooyinka iyo ahmiyadda ay Boolisku u leeyihiin.

Waxaan is hoga tusaaleyney muhiimadda ay u leedahay doorashada in la iska kaashado amniga, iyagoo noo balan qaadey in Ciidanka Boolisku ay dhex-dhexaad u yihiin murashaxiinta oo aan loo adeegsan doonin arrima Siyaasadeed ayuu yiri” Sheekh Shariif.

Wararka aan ka helnay kulanka ayaa sheegaya in Taliye xijaar uu raali gelin ugu tegay Taliyaha booliska, isla markaana ay ku balameen inay wada Shaqeeyaan.

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliueed Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa xalay waxaa uu Hooygiisa uu ku booqday Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamed, iyaga oo ka wada hadlay amniga musharixiinta.