Garsoore ka tirsanaa dowladda Soomaaliya oo toogasho lagu dilay

Kooxo ku hubeysnaa bustoolado ayaa waxaa la sheegay in xalay xaafada Taleex oo ka tirsan degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir inay ku dileen Abuukaate ka tirsanaa Wasaaradda Cadaaladda Xukuukmadda xilgaarsiinta ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Abuukaataha la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Cabdullaahi Cabdi Maxamed, waxaana la sheegay in dhowr xabadood oo ka haleeshay qeybaha sare ee jirkiisa uu u geeriyooday, iyada oo ay goobta ka baxsadeen dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ay gaareen halka uu dilka ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka sameeyay howlgallo aan lagu qaban, iyada oo meydka Marxuumka ay goobta ka qaadeen ehelkiisa.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa waxaa loogu tacsiyadeeyay Ehellada, Qaramada iyo Asxaabtii uu ka baxay Marxuum Cabdullaahi Cabdi Maxamed oo ka tirsanaa Wasaaradda, kaas oo lagu dilay Muqdisho.

Majirto cid weli sheegatay mas’uuliyadda dilka Marxuum Cabdullaahi Cabdi Maxamed oo ka tirsanaa Wasaaradda, kaas oo lagu dilay Muqdisho, balse tan iyo markii ay dhalatay Bisha Barakeysan ee Ramadaan ayaa waxaa Muqdisho ka dhacay dilal qorsheysan oo badankood ay sheegteen inay ka dambeeyeen Al-Shabaab.