Eedeysanayaal ay Soomaali ku jirto oo lagu qabtay Daroogo

Afhayeenka Ciiddanka Sacuudiga ee Ilaalada Xuduudaha, Kolonel  Masfar Bin Qanaam Al-Qurayni ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen 25 Eedeysane oo doonayey inay si Tahriib ah Xashiish iyo Qaad ku soo geliyaan Sacuudiga.

Waxa uu intaasi ku daray in Eedeysanayaaaha lagu soo qabtay Hawlgalo ka dhacay magaallooyinka Najraan iyo Jizaan ee K/Galbeed ee Sacuudiga, una dhow Xuduudka Yemen.

Eedeysanayaaaha waxaa la sheegay in Wadar ahaan  lagu qabtay 802 Kiilo oo Xashiish ah iyo 25.4 Tan oo Qaad (Jaad) ah.

Afhayeenka waxa uu xusay in 25-ka Eedeysane ee la qabtay kala yihiin: 3 Muwaadiinin Sacuudiyan ah, 2 Soomaali ah, 14 Yeminiyiin ah iyo 4 Ethiopian ah.

Eedysanayaasha oo la soo qabtay bishan May 7-dii waxaaloo gudbin doonaa Maxkamadaha ku shaqada leh Dembiyada loo haysto.