Ciidamada dowladda oo la wareegay degaano ka tirsan Gobolka Hiiran

Ciidamadanka xooga Dalka Soomaliyeed gaar ahaan Guutada  5aad qeybta 27aad ayaa Howlgallo ka sameeyay degaano u dhexeeyo Degmooyinka Matabaan iyo Maxaas ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo Bilihii la soo dhaafay ay fariisimo Cuusb ka sameysteen Xubno ka rirsan Al-Shabaab.

Taliyaha Guutada 5aad ee qerybta 27aad  Korneyl Maxamuud Xasan Ibraahim  Baakaay Ciidamada oo howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay inay la wareegeen degaano ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, sida degaanka Coomaad iyo madhooy ee hoostaga Degmada Matabaan iyo degaano kale.

Ciidamada ayaa sidoo kale Howl galo ka sameeyay Degaano u dhexeeyo degmooyinka Matabaan iyo Beledweyne gaar ahaan dhulka Buuraleyda ah ee u dhexeeyo degmooyinkaasi.

Taliyaha Guutada 5aad ee qerybta 27aad  Korneyl Maxamuud Xasan Ibraahim  Baakaay ayaa sidoo kale sheegay in howl galladaasi Ciidamadu guulo ka soo Hooyeen ayna sii wadi doonaan howlgallada lagu Xaqiijinayo Amaanka Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale waxaa howlgallada qeyb ka ahaa Gudoomiya ku xigeenada Amaanka iyo Siyaasada Degmooyinka Maxaas iyo Matabaan ee Gobolka Hiiraan si loo xaqiijiyo amniga degmooyinka iyo degaananda kale oo ay maamulaan.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa ay kordhiyen howlgallada ay ka fulinayaan degaano ka tirsan Gobolka Hiiraan, halkaas oo mararka qaar ay weeraro kala duwan ka fuliyaan Xubno ka tirsan Al-Shabaab.