Maxkamadeynta Rga loo heysto Shabaabnimo oo ka socota Gaalkacyo

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Dowlad Goboleedka  Puntland ayaa maanta u fariisAtey FadhigIi Labaad ee Dhageysiga EedaysanayaaL gaaraya  11 qof oo 5 kamid ah lagu eedeeyey in ay kamid yihiin Ururka Al-Shabaab.

Maxkamadeynta ragga ayaa waxaa ay ka socotaa Xarunta Maxkamadda ay ku leedahay Magaalada Gaalkacyo, waxaana ragga la maxkamadeeynayo ku jira 5 Xubnood oo lagu eedeeyay  dilal ka dhacay waqooyiga magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland ayaa soo bandhigtay magaclyada Shanta Xubnood looga dhex  yaqaanay Ururka Al-Shabaab oo ay kula Shaqeeynayeen,kuwaas oo kala ah.

KALAAY.

ABKOW

LAAGA

CALI JAREER

NAGEEYE QANJEY.

Saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Dowlad Goboleedka  Puntland ay xukun ku rido Raggaas iyo 6 kale oo lagu eedeeyay dambiyo kala duwan oo ay galeen.