Museveni oo markii lixaad loo dhaariyay xilka madaxtinimada

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa markii lixaad loo dhaariyay xilka madaxtinimada dalkaas.

Wuxuu ku guuleystay doorasho uu muran badan ka dhashay oo ka dhacday Uganda bishii January.

Waxaana sii weyn loo adkeeyay amniga magaalada caasimadda ah ee Uganda.

Waxaana caleemo saarka madaxweynaha Uganda ka qeybgalay madaxweyneyaasha Soomaaliya, Kenya, Tanzania iyo South Sudan.

Isniintii booliska Uganda waxay sheegeen inay xireen in ka badan 40 qof oo qorsheynayay inay carqaladeeyaan munaasabadda caleemo saarka madaxweynaha.