Puntland oo Maanta xukun dil ah ku riday Rag ka tirsan Al-Shabaab

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Gobolada Mudug & Ceyn ee  Dowlad Goboleedka  Puntland ayaa maanta soo geba-gabeeysay  Maxkamadeynta Eedaysanayaal gaarayay 11 qof oo 5 kamid ah lagu eedeeyey in ay kamid yihiin Ururka Al-Shabaab.

Maxkamadeynta ragga ayaa waxaa ay ka dhacday Xarunta Maxkamadda ay ku leedahay Magaalada Gaalkacyo, waxaana ragga la maxkamadeeyay 5 kamid ah oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dilal ka dhacay Waqooyiga magaalada Gaalkayco ay maxkamadda ku xukuntay dil toogasho.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa waxaa ay siideysay oo xorriyadooda siisay 6 kale, kuwaas oo ku eedeysnaa inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab, balse wax dambi ah lagu waayay sida uu sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Gobolada Mudug & Ceyn Gaashaanle Cabdullaahi Cabdi Shire

Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland ayaa soo bandhigtay magaclyada Shanta Xubnood looga dhex  yaqaanay Ururka Al-Shabaab oo ay kula Shaqeeynayeen,kuwaas oo kala ah.

Kalaay, Abkow, Laaga, Cali Jareer iyo Nageeye Qanjey, kuwaas oo dhowr jeer la horkeenay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Gobolada Mudug & Ceyn ee  Dowlad Goboleedka  Puntland ugu dambeena Maanta la xukumay.