RW Rooble oo ka qeyb galay Caleemo-saarka Madaxweynaha Jabuuti:-Sawirro

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo dib loogu doortay doorashooyinkii ka dhacay dalkaas.

Rooble ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya Wasiiro ay kamid yihiin wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale iyo Xubno kale.

Sidoo kale Munaasabadda Caleemo-saarka Madaxweynaha Jabuuti ayaa waxaa ka qeyb galay Madax badan oo Afrikan ah, kuwaas oo ugu hambalyeeyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo markii shanaad loo dhaariyay xilka Madaxweynenimo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa la filayaa in kulan doceedyo uu la yeesho Madaxda kala duwan ee ka qeyb galeysay Munaasabadda Caleemo-saarka Madaxweynaha Jabuuti.