Taliyaha Howlgalka AFRICOM oo la Kulmay Madaxweynaha Jubaland

Madaxweynaha maamulka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Kulan la qaatay Taliyaha howlgalka Maraykanka ee Africom Jeneraal Stephen Townsend, oo booqasho ku yimid Jubaland.

Kulanka waxaa lagaga hadlay sidii la iskaga kaashan lahaa ladagaalanka Argagixisada iyo sidii maraykanku uu door muuqda uga qaadan lahaa in la wiiqo Argagixisada halista ku ah shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale kala hadlay Ciidanka Mareykanka taageerada ay siiyaan ciidanka Jubbaland in ay sii kordhiyaan.

Jubbland   ayaa sheegtay in dhul ballaaran ay ka heystaan Al-Shabaab sidaas darted ay u baahan yihiin taageero heer caalami ah.