Taliye loo Magacaabay Ciidanka Taraafikada

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi  Xasan xijaar  ayaa taliyaha Ciidanka Ilaaladda Wadooyinka u Magacaabay Generaal  Bishaar Abshir Geedi oo ka mid ah Saraakiisha Sarsare ee Ciidanka Booliska.

Taliyaha Ciidanka Booliska ayaa taliyaha cusub ka codsaday in uu dardargaliyo howlaha Ciidanka Ilaaladda Wadooyinka.

Shaqadda Ciidanka Ilaaladda Wadooyinka ayaa wanaagsaneyn bilihii ugu dambeeyay , waxaana jiray cabasho laga muujiyay ciriirga wadooyinka.

Bishaar Abshir Geedi ayaa horay u soo noqday taliyaha ciidanka booliska gobolka Banaadir, waxaana sidoo kale booliska uu kasoo qabtay shaqooyin kala duwan.