Dowladda Soomaliya oo soo dhaweeysay heshiiska xabad joojinta ee Qasa

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si weyn u soo dhaweeysay heshiiskii Xabad joojinta ah oo ay wada gaareen Falastiin iyo Israa’iil kadib 11 Maalmood oo xiriir ah oo uu dagaal ka socday magaalada Qasa ee dhulka Reer Falastiin.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda ayaa lagu tageeray heshiiskaas, waxana dowladda ay sidoo kale sheegtay in loo baahan yahay  dowlad madax banaan oo Falastiin ay leedahay.

“ Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhoweynaysaa heshiiska xabad joojinta Gaza ee la gaaray, kaasi oo dhaqangalay aroornimadii Jimcada 21 May, waxa ay markale ku dhawaaqaysaa mowqifkeeda iyo taageerada sugan ee ay u heyso qadiyadda Falastiin, waxayna adkeyneysaa baahida loo qabo dhismaha dowlad madax banaan oo Falastiin ay leedahay oo qarannimadeedu dhammaystirantahay iyadoo la raacayo go’aannada sharci ee caalamiga iyo Hindisaha Nabadda ee Carabta ayaa lagu yiri” Qoralka dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa intii dagaalka uu ka socday Magalada Qasa waxaa ay cadeeysay mowqifkeeda ku aadan dagaalkaas, iyada oo taageero u muujisay Shacabka lagu duulay ee Reer Falastiin.