Weeraro khasaaro geystay oo ka dhacay magaalooyinka Muqdisho & Baydhabo

Xubno la sheegay inay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa ay xalay weeraro kala duwan oo khasaaro geystay ka fuliyeen Magaalooyinka Muqdisho iyo magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Weerarka koowaad ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Kaxda kadib markii weerar bambiaano lagu qaaday saldhiga Booliska degmada kaxda ee Gobolka Banaadir.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in weerarka bambaano kadib uu dhacay dagaal dhex-maray kooxihii weerarka soo qaaday iyo Ciidamada Booliska saldhiga degmada Kaxda oo iska caabiyay, sidoo kale uu jiro khasaaro dhaawac ah oo ka dhashay.

Dhinaca kale Bam Gacmeed ayaa lagu weeraray  isgoyska Boqoleyda oo ka mida  Xaafada Bardale ee Baybadho, halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed.

Wararka weerarkaas laga helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in rasaas ay fureen Ciidamada Bamka lagu weeraray ay ku geeriyoodeen laba ruux halka 5 ruux ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo dhamaantood ah dad rayid ah.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo garaya magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska Magaalada ay saakay wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan Kooxihii ka dambeeyay weerarkaas.