Dowladda oo sheegtay in kulankii Rooble & Cabdi Xaashi uu guul ku dhamaaday

Waxaa Maanta kulan gaar ah ku yeeshay Magaalada Muqdisho Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Guddoomiyaja Aqalka Sare Cabdi Xaashi  Cabdillaahi.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii xal looga gaari khilaafka ka dhex-jira Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi ee salka ku haaya doorashada kuraasta Gobolada Waqooyi ee ( Somaliland.

War kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa lagu yiri” Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan is-afgarad ku soo dhammaaday oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi.