Puntland oo shaacisay inay la wareegeyso Magaaloo ay maamusho Somaliland

Wasiirka arrimaha gudaha & dowladaha hoose ee Maamulka Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa sheegay in Puntland ay qorsheyneyso inay soo gasho Magaalada laas-Caanood oo ah Xarunta Gobolka Sool.

Waxaa uu sheegay in iyada oo aan dhiig ku daadan Magaalada laas-caanood ay Puntland ka qabaneyso doorashooyinka soo socda, farsamo ahaanna ay howshaas hadda gacanta ku hayaan.

“ Qorshaha Magaalada laas-caanood Shaqadeeda waa ay socotaa, waxaana dooneyna in iyada oo an dhiig ku daadan in shirarkeena aan ku qabsano, Dhulkeena dastuuriga ah doorashadu way ka wada dhacaysaa.” ayuu yiri” Wasiir Dhamancad.

Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa ku nool dad degaan ahaan kasoo jeeda Puntland, balse waxaa maamula Soomaaliland, hayeeshee waxaan la ogeyn sida ay Puntland kula wareegi karto, iyada oo Magaalada ay ku sugan yihiin Ciidamo farabadan oo  ka tirsan Soomaliland.