Shir Muqdisho uga socda Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo Labo Madaxweyne dowlad goboleed

Sidda ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo Shir u dhaxeeya Guddoomiyaha  Cabdi Xaashi, Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa hadda ka socda Airport Hotelee magaalada Muqdisho.

Waxyaabaha shirkaan looga hadlaayo waxaa ka mid ah sidii xal looga gaari lahaa muranka u dhaxeeya ee labada garab ee Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi oo shirka dhexdooda ahaa uu is faham waa ku dhamaaday.

Shir jaraa’id oo la filayay inay qabtaan garabka uu hoggaamiyo Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa la hakiyay dib loo dhigay  kaddib codsi la soo sheegay inuu uga yimid  Puntland iyo Jubbaland.

Rooble ayaa maanta sheegay in isfaham horudhac ah ay gaareen Gudoomiyaha Aqalka Sare, waxaana la shaacin waxyaabaha la isku afgartay.