Golaha Ammaanka ee QM oo Maanta shir ka yeelanaya xaalada Soomaliya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta Gelinta dambe waxaa la filayaa inay shir ka yeeshaan arrimaha Soomaaliya, xilli weli aan wax heshiis ah laga gaarin doorashada Soomaaliya.

Kulanka Golaha Ammaanka ayaa qodobada looga hadli doono waxaa kamid ah Arrimaha doorashooyinka iyo arrimaha bani’aadamnimada ee ka jira dalka Soomaaliya

Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, James Swan, iyo Madaxa AMISOM, Francisco Madeira ayaa warbixino looga dhageysan doonaa Shirka.

Xubnaha kale ee ka qeyb galaya shirka ayaa dhankooda waxaa ay ka hadli doonaan xaalada Soomaaliya, iyaga oo qaarkood taageero Cuusb u balan qaadi doona Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dhowr jeer shir ka yeeshay xaalada Soomaaliya gaar ahaan Arrimaha doorashooyinka, balse shirarkooda aysan wax ka bedelin xaaladda Soomaaliya.