Maxay Midowga Musharixiinta ku qanciyeen Guddoomiyaha Aqalka Sare?

Hoggaanka Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ayaa waxaa ay Maanta kulan la qaateen guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi, iyaga oo ku qanciyay in uu ka qeyb galo munaasabadda saxiixa heshiiska doorashada oo ka socota teendhada Afisiyooni ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa saacadihii la soo dhaafay diidanaa ka qeyb galka xeritaanka shirka, balse Xubnaha hoggaanka Musharixiinta kala ah, Xasan Sheekh , Sheekh Shariif, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyrre, Cabdikariin Guuleed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka iyo masuuliyiin kale oo hooygiisa kula kulmay ay qanciyeen guddoomiyaha.

Saaka gelinka hore ayaa qorshuhu ahaa in ay bilaabato munaasabadda xeritaanka shirka wadatashiga doorashooyinka balse ay dib u dhacday sababo la xiriira maqnaashaha guddoomiyaha Aqalka oo kamid ah Madaxda ku qoran hadal jeedinta Shirka.

Siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada waqooyi ee kujira dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya gaar ahaan garabka gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa waxaa ay ka horyimaadeen qodobada heshiiska aan weli la shaacin ee laga gaaray doorashada Soomaaliya, waxaana warraka soo baxayay ay sheegayeen in 5 Xubnood laga siiyey guddiga farsamada ee loo xilsaarayo xallinta arrinta doorashada xildhibaanada gobolada Waqoooyi ee loo yaqaan ( Somaliland.