Muxuu Turkiga ka yiri Heshiiska laga gaaray doorashada Soomaaliya?

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa lagu soo dhoweeyay heshiiska Arrimaha Doorashooyinka ee Hoggaamiyaasha Siyaasadda Soomaaliya  ku gaareen magaalada Muqdisho.

Wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga ayaa bogaadisay dedaalka aan kala yareyn ee oo ay ku bixiyeen madaxda Soomaalida sidii uu u mira-dhali lahaa wadahadalka Doorashooyinka Soomaaliya u horseeday in muddo 60-cishe lagu qabto Doorashooyinka.

Turkiga ayaa garab istaagay u muujiyay mira-dhalka heshiiska kasoo baxay Shirka wadatashiga qaran ee Doorashooyinka Baarlamaanka & Madaxtooyada Soomaaliya looga dooday laguna jaangooyay.