Sarkaal ka tirsanaa Ciidamadii Badbaado Qaran oo ku lug yeeshay is-rasaaseyn ka dhacday Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa
sheegaya inay is-rasaaseyn dhex martay ciidamo ka wada tirsan Milateriga Soomaaliya.

Ciidamadan oo kala shakiyey ayaa is
rasaaseyntoodu bilaabtay markii dhinac ka mida uu isku dayey inuu rasaas uu koru riday ku furto jid
ciriiri ahaa agagaaraka lsgoyska Warshada
Caanaha, taasoo keenay inuu dhinacii kale rasaasta ka jawaabo.

Waxaa la xaqijiyey inuu qof oo shacab ah ku
dhintay, hal mid uu dhaawac ka soo gaaray,
waxaana dhinac ka mid la sseegay inay ahaayen
ciidamo ka amar qaata sarkaal lagu magacaaao
Liibaan Maxamud Yusuf (Liibaan Madaxweyne) oo
ka mid ah saraakiisha ciidamadii la baxay Badbaado Qaran.

Ciidamada la soday sarkaalka ayaa la sheegay inay
u qaataan rasaasta jid furashada ahayd mid iyaga
loola dan lahaa, taasoo keenay inay ka jawaabaan,
kadibna ay qasaare ka dhasho falkaasi.