Liiska Xubnaha cabashada laga yahay ee guddiga doorashooyinka oo la soo bandhigay

Guddiga Ra’iisul Wasaare Rooble u magacaabay hubinta Xubnaha Cabashada laga muujiyay ee ku jira Guddiyada Doorashooyinka ee Federaal iyo Heer Dowlad-goboleed ayaa soo badhigay magacyada cabashada laga muujiyay.

Xubnahaan oo ay soo bandhigeen  Midowga Musharixiinta ayaa gaaraya ilaa 67 Xubnood, waxaana la sheegay inay ka kala tirsan yihiin, NIsa Iyo shaqaalaha kale ee dowladda.