Golaha Wasiirada Jubbaland oo Maanta la ansixiyay

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa Maanta Kulan ku yeeshay Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland, kaas oo uu shir guddoomiyay gudoominayay Baarlamaanka Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, waxaana lagu ansixiyay Golaha wasiirada Cusub ee uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha Jubbaland  Axmed Maxaemd Islaam.

Kulanka ayaaa soo xaadiray  51 mudane oo Baarlamaanka Jubbaland ka tirsan, waxaana ansixiyay Xukuumadda Cusub 50 xildhibaan wax diiday majirin waxaana Ka aamusay 1 xilibaan oo kaliya sidaasna waxaa ugu dhawaaqay in xukuumadda Cusub ansax tahay Gudoomiyaha Golaha wakiiladda Jubbaland Mudane Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan.

Gudoomiyaha gudigga hab-dhowrka Baarlamaanka Jubbaland  Xildhibaan Shukri Wayrax Kaariye ayaa sheegay in ajandaha Kulanka kaliya uu  ahaa ansixinta Xukuumadda Cusub sidaasna lagu ansixiyay, isaga oo u mahad celiyay Xildhibaannada.

20-kii Bishii May ayuu Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka  Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Golihiisa wasiirada oo ka kooban, Wasiiro wasiir ku-xigeeno & wasiiru dowlayaal kuwaas oo haatan si rasmi ah u shaqo bilaabi doona kadib markii la dhaariyo maalmaha soo socda.