Kolonyo uu la socda Xasan Sheekh oo lagu rasaaseeyay Muqdisho

Ciidamo ka tirsan Asluubta kuwa Soomaaliya ayaa lagu waramay in ay Muqdisho gaar ahaan nawaaxiga Maxkamada gobolka Banaadir ay ku rasaaseeyeen kolanyo uu saarnaa madaxweynihii 8aad ee dalka ahna musharax madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dagaal muddo kooban socday ayaa dhex-maray ciidamada ilaalada Madaxweyne hore Xasan sheikh Maxamuud iyo Ciidamada Asluubta, waxaana la sheegay in kolonyada Gaadiidka Xasan Sheekh ay dib ugu laabteen Marinaayada.

Weli  ma cadda ujeedka Ciidamada Asluubta u rasaseeyeeb Kolonyada Madaxweyne hore Xasan sheikh Maxamuud iyo khasaaraha ka dhashay falkaas.