Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in la maqlay dhawaqa qarax goor dhow ka dhacay magaalada.

Qaraxa oo ahaa mid weyn ayaa la sheegay inuu ka dhacay Ex Control Afgooye.

Dadka deegaanka ayaa  u sheegay inay maqleen jug culus oo qaraxa ah, kaddibna ay arkeen dad goobta laga qaadayo.

Ilaa iyo hadda siddeed qof ayaa la sheegay inay qaraxaas ku dhaawacmeen waxaana qaarkood loo qaaday isbitaalka weyn ee Madiina.

Lama oga ujeeddada laga lahaa qaraxan oo sida la sheegay ahaa miino dhulka la geliyay.