Hoggaamiyihii Kooxda Boko Xaraam oo geeriyooday

0
3

Sida laga soo xigtay cod ay soo duubeen maleeshiyaad Islaami ah oo uu dagaal kala dhexeeyo  Kooxda Boko Xaraam Hoggaamiyihii kooxda maleeshiyaadka ee Boko Xaraam, Abuubakar Shekau ayaa is dilay.

Cod ay heleen wakaaladaha wararka, kooxda isku magacaawday dowladda Islaamka ee galbeedka Afrika ayaa sheegay in Abuubakar Shekau uu ku dhintay qarax ismaadin ah oo isagu isku xiray kadib dagaal dhex maray labada kooxood.

Bishii hore ayaa la sheegay in Abuubakar Shekau uu dhintay halka marar badan oo hore la sheegay in uu geeriyooday.

Dowladda Nigeria iyo Boko Xaram toona ma aysan xaqiijin geerida hoggaamiyihii kooxdaas.