XOG: Ra’iisul Wasaare Rooble oo amray in dib loo so celiyo xiriirkii Imaaraadka Carabta

Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa bilabay qorsho uu meesha uga saarayo dowladda Qatar oo saameyn ballaran ku leh siyaasadda Soomaaliya, taas bedelkedana dib loo so celinayo xiriirkii dowladda Imaaraadka Carabta.

Xubno ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa gaard Tv u sheegay in lagu amray inay soo celiyaan xiriirkii Imaaraadka Carabta, taas oo keentay in Rooble uu la kulmo Safiirka Imaaraadka ee Muqdisho.

Xogaha la helayo ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha uu ka hortagayo qorsho ay dowladda Qartar ku dooneyso inay sii ballaariso saameynteeda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo inay dib u soo celiso Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.