Kulan mudisho uga socdo Midowga Musharixiinta

Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa uu kulan xasaasi ah uga socdaa Magaalada Muqdisho, kaas oo ay uga hadlayaan Arrimo dhowr ah.

Kulanka Maanta waxaa kasoo dhex-muuqday Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo safar aan horay loo sii shaacin dalka uga baxay hadana deg deg kusoo laabtay.

Kulanka ayaa Midowga Musharixiinta waxaa ay uga hadlayaan xaaalda guud ee xilligaan dalka, dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee dalka ka dhacay iyo dooda ay ka qabaan Arrimaha doorashooyinka.